Midowga musharaxiinta oo ka horyimid amarkii ay dul-dhigtay dowladda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa si weyn uga soo soo horjeestay go’aankii shalay ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee lagu mamnuucay hubka lala galo garoonka Aadan Cadde, marka laga reebo madaxda dalka.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku hadlayey magaca & afka musharraxiinta mucaaradka ayaa shaaca ka qaaday in aan la aqbali karin go’aankaasi oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid hal dhinac ah oo  loogu darnaanayo iyaga, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u waramay VOA ayaa sheegay in la doonayo in qatar la geliyo amnigooda, mar hadii ay madaxdu ilaalo la galayaan garoonka, iyagana laga reebayo.

“Haddii ay amniga garoonka isku aamini waayeen anaga miyey na gelinayaan meel Qatar ah?,” ayuu yiri musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in aysan macquul aheyn in madaxda dowladda kaliya loo ogolaado hub iyo ilaalo, islamarkaana iyaga laga dhigo kuwa beylaha oo la beegsan karo.

“In anaga nala yiraahdo garoonka hubka lama galeeysaan, Madaxda sarena waa ay isku aamini waayeen amniga garoonka oo waa ay la galayaan taasi maahan wax macquul ah oo aan aqbaleyno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiashakuur.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay dowladda dhexe iyo mucaaradka isku hayaan hanaanka doorashooyinka dalka oo weli uu ka taagan yahay is mari waa aad u xoogan.