Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo mowqif kasoo saaray kulan ay ku yeesheen Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, xilli ay dhisayaan isbaheysi ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa. 

Kulanka ayaa yimid maalin kadib markii uu Farmaajo kusoo laabtay dalka Jimcihii, isaga oo tan iyo markii looga adkaaday doorashada ku maqnaa dalka Qatar oo uu deganaa.

Qoraal uu Farmaajo soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri “Waxaan caawa hoygiisa kulan wadatashi oo miro dhal ah ku yeelannay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dooda beryahaan ka taagan wax ka baddelka Dastuurka, waxaana hoosta iskala xarriiqnay xaaladda dalka iyo arrimaha dastuurka hadda socda in ay u baahanyihiin wadatashi ballaaran.” 

“Waxaan isla garannay inaan sii wadno kulamadeenna iyo wadatashigeenna, isla markaasna laga qeyb geliyo siyaasiyiinta dalka iyo qeybaha kale ee bulshada.”

Farmaajo iyo Sheekh Shariif ayaa isku dhowaa tan iyo bilihii ugu dambeeyey ee xukunka Farmaajo, waxaana la rumeysan yahay inuu xiriir joogto ah oo dhow uu ka dhaxeeyey tan iyo dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in labada madaxweyne ay Muqdisho ka billaabi doonaan olole siyaasadeed ballaaran oo lagu mucaaradayo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay ugu horreyso in la is-hortaago dhameystirka dastuurka dalka. 

Xog aan la xaqiijin ayaa dhinaca kale sheegeysay inay sidoo kale ku xiran yihiin madaxweynaha dhowaan dib loo doortay ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, oo isna si weyn uga soo horjeeda dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.