Hooyo iyo carruurteeda oo ku dhintay DAB ka kacay guri ku yaalla Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya dab gaystay khasaare nafeed oo xalay ka kacay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa si gaar ah u qabsaday guri ku yaalla xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax, wuxuuna kacay abaare 4:00 subaxnimo.

Ciidanka dab-damiska Somaliland ayaa xaqiijiyay in dabkan ay ku geeriyootay hooyo iyo laba carruur ah oo deganaa hoyga uu xalay ka kacay dabka.

Sidoo kale qoraal kasoo baxay taliska ciidanka dab-damiska ayaa waxaa lagu sheegay in gurmad ay sameeyeen kadib lagu soo bad-baadiyay afar carruur ah oo kale.

“Alle haw Naxariistee Hooyo iyo laba Caruura ayaa ku dhintay Dab ka kacay Hoygii ay degenaayeen oo ku yaala xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax. Abaaro 4:00 subaxnimo ciidanka Dabdemiska Hargeysa ayaa ka hawlgalay una gurmaday Qoyskaa, iyadoo halkaana laga samata-bixiyay afar caruura oo kale” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaxiyay “Ciidanka Booliska degmada Gacanlibaax ayaa la wareegay Maydkii. Baadhista Kiiskana waxaa gacanta ku haya ciidanka Dambi-baadhista”.

Dhinaca kale taliska ayaa farriin u diray shacabka Somaliland, wuxuuna ugu baaqay inay ka digtoonaadaan haliska dabkaka dhasha korontada.

“Bulshada ku nool Somaliland waxaa ciidanka Dabdemisku farayaa in Habeenkii ka digtoonaadaan halista dabka: – In Habeenkii La damiyo laydhka, lana aaso dabka girgirayaasha, lana dhigo meel ku haboon. – ⁠In laga taxadaro wax kasta oo keeni kara dab”. ayaa mar kale lagu yiri farriinta kasoo baxay ciidamada dab damiska Somaliland.

Gabagabadii ciidanka dab-damiska Somaliland ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska ay dhibaatada kasoo gaartay dabka ka kacay xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax

“Ciidanka Dabdemisku wuxuu tacsi u dirayaa Qoyskaa Masiibadu ku dhacday, Alle Cawil kheyr Qaba hakasiiyo” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.