Farmaajo miyaa heshiis badda ah la galay Uhuru?: Aqriso xaqiiqda ereyga shakiga abuuray

Nairobi (Caasimada Online) – Ma jiro wax heshiis ah oo arrinta baddan Soomaaliya ku saabsan oo ay wada gaareen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, haddii wax sidaas u eg aad meelaha ka aqrisay.

Sida ay Caasimada Online ogaatay, qodobkaas xitaa kama mid ahayn arrimaha lagu soo hadal-qaaday wada-hadallada labada madaxweyne, hase yeeshee dad raba inay shacabka shaki geliyaan ayaa baraha bulshada warbaahinta qaar wareejinaya in heshiis noocaas ah la gaaray.

Dadka arrimahan wareejinaya ayaa tixraacaya qoraal uu madaxweynaha Kenya bartiisa twitter-ka soo dhigay oo macanihiisu ahaa. “Wada-hadaladeena waxa ay ku saabsanayeen dhinacyada ammaanka, ganacsiga iyo maalgashiga, duulimaadyada rayidka, beeraha, macluumaad wadaagista iyo horumarka”.

Si kastaba, dadka wareejinaya shakiga ayaa si qaldan u macneeyey ereyga resource-sharing, oo ay yiraahdeen waxaa loola jeedaa “wadaagista kheyraadka”, sidaas darteedna waxaa lagu heshiiyey in kheyraadka badda Somaaliya la wadaago.

Inkasta oo ereyga resource macna ahaan noqon karo kheyraad marka kaligiis uu taagan yahay, haddana marka ay noqoto resource-sharing, waxaa loola jeeda macluumaad iyo xog wadaagis. Tusaale, marka laba maktabad ay haystaan macluumaadyo kala duwan, oo midba midka kale uu u baahan yahay, waxay sameystaan heshiis la yiraahdo ‘resource sharing’, oo ah in midba mid kale fasax loo siiyo inuu macluumaadka kan kale adeegsado.

Sidoo kale marka laba computer ay isku xiran yihiin oo ay ka dhaxeyso network-sharing oo macanaheedu yahay in labada computer waxa ku jira midba midka kale uu arki karo, waxaa la yiraahdaa “resource sharing”

Isku soo duub, resource-sharing-ka uu ka hadlay Kenyatta waxaa si fudud loola jeedaa in labada dal ay wadaagayaan macluumaadka iyo wada-shaqeynta, waxaana tani ay u badan tahay in loola jeedo macluumaadka la xiriira sirdoonka iyo la-dagaalanka argagixisada.

Sidaas darteed, haddii aad meelaha kale ka aqrisay wax taas ka duwan, waa isku day la rabo in shaki dowladda lagaaga geliyo, oo aad uga niyad jabto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com