Xog: Shariif Xasan oo meel isugu keenay xildhibaanada mucaaradka, hal dalabna hor-dhigay

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh ayaa dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed kadib maalmo uu ku maqnaa shaqooyin.

Haddaba Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ay ka heysatay dhibaato badan xagga Xildhibaanada maadaama laga diyaarinayo mooshin ayaa Magaalada Baydhabo maanta kasoo dajiyey dhammaan xildhibaanada Koonfur Galbeed ee isaga kasoo horjeeday kuwaas oo ku sugnaa Muqdisho iyo meelo kale.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa markii uu garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo kasoo dagay wuxuu fadhiistay qeybta soo dhaweynta Garoonka si uu halkaas ugu soo dhaweeyo tiro badan oo ka tirsan xildhibaanada ku kacsan oo Muqdisho ka imaaday kadib markii uu isaga ka codsaday arrintaas.

Madaxweynaha ayaa maanta qado Sharaf u sameeyey Xildhibaanada, wuxuuna kala hadlay qaabka ugu fudud ee loo xalin karo tabashadooda, wuxuuna u sheegay inuu diyaar u yahay inuu u sameeyo waxa ay ku qanacsaneyn si ay u joojiyaan mooshinka ay ka diyaarinayaan.

Shariif Xasan oo ah Siyaasi caqli badan ayaa diidan inay ku dhacdo middii qabsatay madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo si lama filaan ah ay xildhibaanada uga qaadeyn xilkiisa kadib markii uu fududeystay hanajbaadyo uga imaanayey XIldhibaanada maamulkaas oo u sheegay inay xilka ka qaadi doonaan.

Shariif Xasan ayaa markaan sameeyey kaartadii ugu cajibsaneyd waana nin yaqaan sida looga gudbo siyaasadda marka ay isku cakirmato, waxaana wajigiisa ka muuqatay Farxad iyo soo dhaweyn, wuxuuna si diiran xildhibaanadaas Shalay ugu soo dhaaweeyey Garoonka Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Kulamada uu Shariif Xasan la yeelanayo xildhibaanada ayaa laga yaabaa inay qaadato dhawr maalin, maadaama ay jirana tabashooyin badan, waxaana lagu ballansan yahay in dib la isugu soo laabto maalinta Sabtida ee berri ah.

Sida ay sheegayaan wararka hoose oo ay heleyso Caasimadda Online, Shariif Xasan ayaa ku guuleysan doono inuu xaliyo Xildhibaanada gadooda eek u qanci waayey siyaasadda uu Shariif Xasan ku maamulayo Maamulka Koonfur Galbeed.

Khilaafka XIldhibaanada iyo Shariif Xasan ayaa soo jiitamayey muddo badan, wuxuuna xilal ka qaaday mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka sababo la xiriiro khilaafkaan, lamana ogo sida laga yeeli doono go’aamadii uu Shariif Xasan qaatay intii uu jiray khilaafkaan hadda u muuqdo inuu yahay mid dhamaad ah.

Wixii warar ah ee arrintaan kuso kordho waan idinla soo socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
caasimada@live.com