Xog: Awooda Xasan Sheekh oo wali laga dhex dareemayo Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xili ay meesha ka baxday Dowladii uu Hogaaminaayay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya in awooda Siyaasadeed ee Madaxweynihii hore ay ka dhex shaqeyneyso Xarunta dalka looga arrimiyo ee Villa Somalia.

Warar soo baxaaya ayaa tibaaxaaya in Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud uu dhowr Wasaaradood ku dhex leeyahay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, halka uu iminka ka heysto ballanqaadka dhowr ah oo ay kamid yihiin Taliyayaal Ciidan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la xaqiijiyay in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu gorgortan kula galay ilaa 90 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia kuwaa oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin garabka uu Hogaaminaayo Xasan Sheekh.

Xildhibaanada uu Xasan Sheekh gorgortanka kula galay Madaxweynaha ayaa ah tirada uu ka helay codadka mudada lagu guda jiray Doorashada heerka Madaxweyne ee Somalia ee dhacday 8 Feb, 2017.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa kamid ah Shaqsiyaadka uu watay Xasan Sheekh, waxaana sidoo kale jira ilaa 6 Wasaaradood oo lasiiyay Shaqsiyaad uu watay Xasan Sheekh, si Xildhibaanada uu Hogaaminaayo Codka kalsoonida usiiya Golaha Wasiirada Xukuumada cusub ee Somalia.

Sidoo kale, waxaa jira xilal gaara uu Xasan Sheekh ka dalbaday Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaraha kuwaa oo dhawaaan la filaayo inay kamid noqon doonaan xilalka la magacaabi doono.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doorashada ka hor laga dareemaayay Colaad Siyaasadeed, waxaasa iminka muuqaneysa inay ku heshiiyeen Maslaxada dalka iyo Meelmarinta dhammaan howlaha Qaranka ee mari doona Golaha Shacabka.

Dhinaca kale, Farmaajo ayaa horay u sheegay inuu ka feejigan yahay faragalin kaga imaada shaqsiyaad gaara iyo Dowladaha Shisheeye gaar ahaan kuwa dariska la ah Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com