Farmaajo oo amar ku bixiyay wax kabedelka arrin lagu liido saraakiisha da’da yar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay ka shaqeyn doonto sida Saraakiisha da’da yar loogu dhiibi lahaa Hoggaanada iyo qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka.

Farmaajo waxa uu sheegay in arrinkaas uu la wadaagi doono xitaa Taliyayaasha Ciidamada, si buu yiri loo tijaabiyo Saraakiisha da’da yar ee u hamuunqaba inay waxbadan ka bedelaan xaalada dalka.

Farmaajo waxa uu tilmaamay inay doonayaan inay arkaan dhalinyarada ciidamada ah ee tababarada kusoo qaatay dalka dibadiisa oo hogaaminaaya Ciidamada dowlada.

Waxa uu Madaxweyne Farmaajo cadeeyay inay ahmiyad gaara u leedahay in talada dalka ay u gacan gasho dhalinyarada isbedel doonka ah, halka ay ka qaban lahaayen dadka da’da ah.

Jen/ C/wali Jaamac Gorod, oo ah Taliyaha Ciidanka xoogga dalka, oo ka duulaaya haddalka Farmaajo ayaa isna shaaca ka qaaday in Saraakiil dhalinyaro lagu wareejin doono hoggaanada iyo qeybaha Ciidamada xoogga dalka.

Jen Gorod ayaa tilmaamay inay dhaqan galin doonaan talada uu Madaxweyne Farmaajo soo jeediyay, waxa uuna cod dheer ku sheegay in la dareemi doono isbedelka, iyadoo la aqbalaayo hadalka Madaxweynaha.

Haddalka Farmaajo ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Talisyada ciidamada ay xaqireen kaalinta dhalinyarada lagu soo tababaray dalka dibadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com