Xog: Xeer ilaaliyaha oo rafcaan ka qaatay kiiska CC Shakuur iyo dacwadii oo dib loo furayo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo xafiiska xeer ilaalinta Qaranka ayaa sheegaya inuu rafcaan ka qaatay go’aankii Maxkamadda Gobolka Banaadir ka gaartay kiiskii siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa qoray rafcaanka kiiskan oo gaaray maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in maalmo kadib uu dib u furmi doono kiiska siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyadoo lagu wado in maxkamadda Rafcaanka ay ogolaato rafcaanka uu qaatay Xeer ilaaliyaha.

Guddoomiyaha Maxkamadda G/Banaadir ayaa lagu eedeeyay inuu dhinac u xaglin sameeyay isagoo dacwad aan dhageysi gaarin go’aan ka qaatay, isla markaana ku dhawaaqay go’aan sharci ahaan khaldan oo ah inaan rafcaan laga qaadan karin go’aankiisa, taasoo shaki weyn gelisay dhexdhexaadnimdiisa.

Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa la sheegay inuusan ka harin kiiska C/raxmaan C/shakuur, isla markaana uu diyaar u yahay inuu wado ilaa maxkamadda sare ee dalka, taasoo la filayo inay waqti dheer qaadato arrintan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com