Kulankii baarlamaanka HirShabelle oo arrin yaab leh u baaqday iyo xildhibaanada oo…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa soo sheegayo in uu kooram la’aan u baaqday Kulankii ay xildhibaanada Maanta ku lahaayeen Jowhar, kulankaasi oo ahaa mid deg deg ah oo uu codsaday Madaxweynaha Hirshabeelle.

Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa warbaahinta u sheegay in kooram la’aan uu ubaaqday Shirkii deg dega ahaa ee Maanta ku yeelan lahaayeen Xildhibaanada Hirshabeelle magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi.

Tirada soo xaadirtay ee Xildhibaanada ayaa lagu sheegay 44 mudane waxaana Kooramka uu ku furmi lahaa 51 Xildhibaan sida uu Guddoomiyaha u sheegay warbaahinta.

Dhinaca kale Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle ayaa sheegay in intoo badan ay ku sugan yihiin Jowhar balse aysan kulanka xaadirin, waxayna sababta ku sheegeyn in uu ka maqan yahay Mushaarkooda 4-tii bil ee la soo dhaafay waxa uuna Madaxweynaha u balan qaaday 2 Bil oo kaliya arintaasina aysan suurta gal ahayn.

Xildhibaanada ayaa sheegay in aysan Cod u qaadi doonin Wasiirada ilaa ay helaan xaquuqda ka maqan Baarlamaanka maamulkaasi Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in kulanka uu baaqday islamarkaana dib la isaga soo laabanayo,waxaana uu Baydhaba uga qeybgelayaa shirka Baarlamaanka Golaha shacabka iyo dowlad Goboleedyada ee ka socda Baydhaba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com