25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Farmaajo oo amray in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada & R/W Kheyre oo wargalinaaya Xubnaha miiska saaran

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo idlaaday dadaaladii lagu soo xulaayay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia kadib markii Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu amar ku bixiyay in la faafiyo Liiska Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub ee Somalia.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa diyaariyay dhammaan qorshooyinka lagu magacaabi lahaa Golaha waxaana lasoo sheegayaa in RW uu xiriir la sameynaayo dhammaan Xubnaha kamid noqon doona Golihiisa Wasiirada.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Xubnaha kamid noqon doona Golihiisa ku wargalinaaya inay usoo diyaar garooban munaasabada waxa uuna Xubin waliba ugu bishaareynayaa Kursiga uu ka helay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa laga sugayaa inuu ku dhawaaqo Golaha Wasiirada ee uu iminka diyaariyay maadaama muddo 6 jeer ah uu kansal gareeyey liiska Golaha, sababo la xiriira Khilaaf kaga imaaday dhanka Beelaha iyo is fahan’waa ka dhex curtay isaga iyo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Waxaa soo baxaaya guux hoosaad la xiriira in dhismaha Xukuumadda ay tahay mid saddex gees ah, iyadoo uu RW hal daraf uun ka hayo Udub dhigga Xukuumadda Federalka ee horey loo sheegay in loo idmaday.

Sidoo kale, calawsanaan iyo Aragti is diidaya ayaa la soo werinayaa iyo in Mas’uul kasta doonayo inuu Wasiiro ku yeesho Xukuumadda cusub, iyadoo lagu salaynayo Nidaamka Awood-qeybsiga ee 4.5.

Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in Saacadaha soo socda uu Ra’isul wasaare Kheyre ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada oo ay ka dhex muuqan doonaan Siyaasiyiin hore iyo wajiyo cusub oo aan horay loogu arag Siyaasada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News