Farmaajo oo aqbalay dalabkii Ahlu-Sunna markii laga reebo hal qodob oo kaliya (Aqriso)

Dhuusamareeb-(Caasimada Online) – Kulan ay saxaafaddu dibad joog ka eheyd oo maanta magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray hoggaanka Ahlu-Sunna iyo madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo dhamaaday is fahmi waa, kadib markii sida la sheegay uu madaxweyne Farmaajo ka biya diiday aqbalidda qaar ka mid ah qodobadii ay soo hor dhigeen hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna.

Ahlu-Sunna ayaa madaxweynaha ka dalbatay qodobo ay ka mid yihiin in dowladdu ogolaato garaadaha saraakiishii Ahlu-Sunna, xildhibaano iyo lacag horay loogu balanqaaday, kuwaas oo aan wali loo fulin.

Farmaajo ayaa Ahlu-Sunna u ogolaaday in lasiiyo lagactii horay loogu balanqaaday loona qarameeyo garaadaha saraakiishoodii, balse waxa uu diiday in loo madax baneeyo saami ay ku yeeshaan xildhibaanada cusub ee uu yeelanayo maamulka Galmudug.

Kulankaas ayaa galabta kusoo dhamaaday natiijo la’aan iyadoo is mari waa dheer kadib lagu kala dareeray goobta, iyadoo Farmaajo markii uu kabaxay kulankaas uu duulay magaalada Dhuusamareeb, una hoyday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Dowladda federaalka ayaa horay Ahlu-Sunna ugu ogolaatay in ay 30 xildhibaan ku yeelato baarlamaanka cusub ee loo dhisayo maamulka Galmudug, balse balankaas looga baxay Ahlu-Sunna, kadib markii ay xukuumaddu ka baqdin ka muujisay cida ay codkooda siidoonaan xildhibaanada ka imaanaya Ahlu-Sunna.

Intiinii akhrisatay, horay waxaan idiin kugu soo gudbinay xog ay Caasimada Online ku ogaatay in dowladda federaalka ay ku dhalatay baqdin ku aadan 30-kii xildhibaan ee ku jiray heshiisiikii ay la gashay Ahlu-Sunna, isla markaana ay dowladdu qorsheynayso in Ahlu-Sunna xildhibaanadii loo balan qaaday lacag loogu badalo.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com