Farmaajo oo digniintii ugu danbeysay siiyay taliyayaasha hay’adaha amniga

Muqdisho (Caasimada Online) -Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka uu digniin kama danbeyn ah siiyay Taliyayaasha Hay’adaha amaanka DFS.

Madaxweyne Farmaajo oo goordhow kulan la qaatay Taliyayaasha ayaa la sheegay inuu siiyay fursad 15 Cisho inay uga soo tallo bixiyaan amni darida ka jirta dalka.

Farmaajo ayaa Taliyayaasha fursad usiiyay inay go’aan qaatan wixii ka danbeeya 15 Cisho, waxa uuna ku baaqay in Natiijo lagu qancikaro ka Keenan amni darida ka jirta dalka.

Farmaajo waxa uu Taliyayaasha u cadeeyay inaanu ku qanci doonin sida ay howsha u socto waxa uuna ka digay in lasii dayaco Amniga magaalada Muqdisho.

Farmaajo waxa uu tilmaamay in go’aan uu qaadan doono haddii Amniga magaalada Muqdisho wax laga bedeli waayo.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in isbedel uu ku sameyn doono Dhammaan Taliyayaasha Hay’adaha amaanka Qaranka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com