Jawaari oo ka faa’iideysanaaya siyaasad yarida Farmaajo iyi Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kullamada Villa Somalia ku dhexmaraaya Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari.

Kullamada socda ayaa la sheegay inay yihiin kuwo aad u adag isla markaana leysku mari la’ yahay sababo la xiriira in Guddoomiye Jawaari uu ka Siyaasad dheereenayo Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha.

Jawaari oo ka faa’iideysanaaya itaal yarida dhanka Siyaasada ka heysata Farmaajo iyo Kheyre ayaa isku dhex qasay dhammaan Jadwalka Golaha Wasiirada oo ay isla diyaariyeen labada Mas’uul ee dalka ugu sareeya.

Jawaari ayaa Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ku cadaadinaaya Liis gaara oo uu wato, waxaana la sheegay inay ka biya diidan yihiin Farmaajo iyo Kheyre taa oo sababtay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay qeyla dhaan kasoo saaran faragalinta uu Villa Somalia ka dhex wado Guddoomiye Jawaari.

Jawaari ayaa miisaan ku dhex leh qorshaha lagu soo xulaayo Golaha Wasiirada, waxaana la tilmaamayaa inuu hakiyay dhowr Liis oo ay isla diyaariyeen Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha.

Jawaari ayaa Heshiis gaara la galay Siyaasiyiin dhowr ah kuwaa oo la filaayo inay kasoo dhex muuqan doonaan Liiska Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha ayaa awoodooda wiiqan tahay kadib markii ay kordheen Shaqsiyaadka faragalinta ku heysa xulista Golaha Wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com