Farmaajo oo war ka duwan kii wasiirkii waxbarashada u diray jaamacadaha dalka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa farriin ka duwan middii uu Wasiirkii waxbarashada C/raxmaan Daahir Cusmaan ee xilka laga qaaday Maanta usoo diray Jaamacadaha ku yaalo dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha janhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inaan la xaqiri karin doorka ay aqoon- yahaniinta Soomaaliyeed ka geesteen mudadii fogeed oo uu dalka bur bursanaa horumarinta waxbarashada.

Madaxweynaha ayaa aqoonyahanada ku amaanay inay hirgeliyeen Iskuulo iyo jaamacado ay kasoo aflaxeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo aad u badan.

“ Jaamacadaha iyo dugsiyada dalka ku yaala waxey guteen doorkii dowlad looga baahnaa” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkaan yiri mar uu maanta ka qeyb galayay munaasabad ka dhaceysay Dugsiga Tababarka ee Jeneral Kaahiye.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 26ka July 2018 waxaa Xilkii Wasiirnimo laga qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan.

Wareegtadan kasoo baxday xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa xilkan sii heynaya Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir.

Wasiirka Waxabarashada ayaa Shalay sheegay inaysan dowladda Soomaaliya aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka ku yaalo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inaysan xataa Jaamacadda Ummadda aqoonsaneyn taasoo dhawaan dib loo furay oo ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya taasoo uu Madaxweyne Farmaajo ka yahay Madaxweyne Sharafeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com