25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Farmaajo oo garoonka Aadan Cadde uga soo dagay si aan looga baran madaxdii ka horeysay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalladda Muqdisho Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi ballaaran oo ku wehlinaayay Safarkiisa Sacuudiga.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa kasoo degay Garoonka iyadoo aysan soo dhaweyn Wasiiro, Xildhibaan iyo Siyaasiyiintii looga bartay in Madaxweynaha kaga hortagaan Garoonka Caalamiga ee magaalada Muqdisho.

Waxaan sidoo kale Madaxweynaha soo dhaweyn Ciiddankii Salaan sharafta laga qaadan jirey ee safka dheer geli jirey, wuxuuna Madaxweynaha si toos ah u aaday Villa Somalia.

Xiliga uu Madaxweynaha ka degay Gawroonka ayaa waxaan halkaasi ku sugneyn Mas’uuliyiintii looga bartay soo dhaweynta iyo Ciidamadii u diyaarsanaan jiray Salaan sharafka, isagoo dhinacyadaasi ku amray inay gutaan wajibaadkooda Qaran.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu mas’iiliyiinta dowladda iyo xildhibaanada u sheegay inaysan u baahneyn inay asaga waqti ku lumiyaan, balse waqtigii ay kusoo dhoweyn lahaayeen ay dadka wax ugu qabtaan.

Madaxweynaha ayaan sidoo kale loo xirin waddooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in mudada uu kusii jeeday Madaxtooyada ay hareerihiisa marayeen gaadiidka shacabka oo aan la dareensiin caburin.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu socdaalkiisa 1aad ku tegay dalka Sacuudiga, tan iyo markii xilkaasi loo doortay, wuxuuna Boqor Salmaan Bin C/casiis ka helay Casuumaad.

Geesta kale, Madaxweynaha waxa uu soo gutay Waajibaadka Cimradda, wuxuuna saakayto ka soo dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee King C/casiis ee magaalladda Jeddah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News