Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay 5 guddi iyo 2 habdhowre (Magacyada)

Muqdisho (Caasimada Online ) – Xildhibaanada Aqlka Sare ee Dalka, ayaa maanta yeeshay Kalfadhigoodii 1aad kulankiisa lixaad oo ay ku Ansixiyeen laba Hab dhowre iyo Shan guddi oo u shaqeyn doona si ku meelgaar ah.

Kal-dhiga ayaa waxaa shir guddoominaayay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Cabdi Xaashi C/llhi, waxa ayna Xildhibaandda Aqalk Sare isku raaceen Dhismaha Guddiyadda KMG, kuwaasi oo kala ah:-

1-Guddiga Sameynta Miisaaniyadda Aqalka Sare

2-Guddiga Shaqaaleynta Shaqaalaha Aqalka Sare

3-Guddiga Sameynta Xeer Hoosaadka

4-Guddiga Amniga

5-Guddiga Samaynta Aqalka Sare.

Kulankii ayaa waxaa soo xaadirtay 37 mudane iyadoona Ajandaha kulanka uu ahaa Magacaabidda Guddiyo si ku KMG ah u shaqeeya iyo Ansixinta Habdhowrka Golaha.

Xildhibaanadda Aqalka Sare ee Senedka waxa ay goobta ku ansixiyeen 2-xubin oo u xil saaran Hab-dhowrka ama Nidaamiyaha Aqalka Sare, waxaana loo kala magacaabay:

1-C/kaafi Macallim Xasan

2-Fartuun C/qaadir Faarax.

Geesta kale, Guddoomiyaha Aqalka Senedka, Cabdi Xaashi C/llaahi waxa uu tilmaamay inuu Guddi kasta ka kooban yahay 7-xubnood, loona baahan yahay inay Guddiyadda soo dhamaystiraan Hawlaha loo idmaday, kuna soo celiyaan Xildhibaanadda Aqalka Sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com