Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in 6 bilood lagu bixin doono dhamman Deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.
Isagoo la hadlaayay Boqolal ka mid ah Bulshada ka nool Magaalada muqdisho ayuu Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu balan qaaday in mudo lix bilood ah Dowladda ku bixin doonto Dhamaan deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.
Qorshaha Dowladadayda waa mid sal adag udhigaysa Soomaaliya oo ah qaran Madaxbanana oo udhameystiran dhamaan Baahiyihiisa Dowladnimo waana dhaqan gali doontaa sida uu yiri.
Soomaaliya ayaa deymo badan loogu cafiyey shirkii ka dhacay Magaalada london ee looga hadlayey arrimaha Soomaaliya, iyo midkii ay Jaamacadda Carabta dhawaan yeelataya, waxayna dowladaha Carabta ee deymaha ku lahaa Soomaaliya ka dhawaajiyey inay u cafiyeen.
Caasimada Online
Xafiiska muqdisho
[email protected]