Dalalka Imaaraadka , Sacuudiga iyo Masar oo xiriirka u jaray dalka Qadar

Jedddah (Caasimada Online) – Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka , Baxreyn iyo Masar ayaa waxay xiriirka diblomaasiyadeed u jareen dowladda Qatar arintaasi oo ay ku sheegeen in dowladda Qatar ay soo faro galisay arimahooda gaarka ah iyo iney ku taageerto ururo argigixiso.

Wasaaradda arimaha dibadda ee dowladda Masar ayaa war-murtiyeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in Masar ay go’aansatay  in xiriirka ay u jarto dowladda Qatar sababo la xiriira in Qatar ay taageero dhaqaale  ahaan Akhwaanka iyo in qaar hoggaamiyeyaasha Xarakada Ikhwaanka ah oo la xukumay ay dalkeeda ku martigeliso.

Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in dowladda Sacuudiga ay ka xiratay xadkeeda dowladda Qadar, taasoo saameyneyso dhamaan isu socodkii dhulka, Biyaha iyo hawadaba.

Sidoo kale Wakaaladda ayaa sheegtay in arrintan looga gol leeyahay in ammaanka qaranka ka ilaaliyaan halista argagixisada iyo xag-jirka.

Dowladda Masar ayaa iyana qaaday tallaabo la mid ah tan Sacuudiga, waxaana ay xustay in hawadeeda iyo dekedaheeda ka xiratay dhamaan gaadiidka cirka iyo badda.

Sidoo kale Dalalka Baxreyn iyo Imaaraadka ayaa waxay xiriirka u jareen Qatar iyaga oo sheegay in muwaadiniinta u dhalatay Qatar ay soo gali karin dalalkooda, Imaaraadka tusaale ahaan waxaa uu u qabtay 14 maalmood in dadka Qatar u dhashay ay dalkaasi uga baxaan.

Ma aha markii ugu horreysay oo dalal Khaliij ay jaraan Qatar, 2014-kii, 3daas dal ee Khaliijka waxaa ay safiirradooda ka saareen Qatar iyaga oo diidanaa arrimo kuwa maanta la mid ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com