31.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Farmaajo oo ka digay arrin uu Xasan Sheekh u adeegsaday…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa soo saaray war-saxaafadeed uu ku eedeeyey shaqaalaha iyo warbaahinta dowladda oo ku milmay siyaasadda, isla markaana uu isticmaalay Xasan Sheekh, sida uu hadalkiisa u dhigay

Farmaajo ayaa iskooxeysi khatar ku tilmaamay qorshaha lagu dhisay xisbiga uu hoggaaminayo Xasan Sheekh, isagoo nasiib darro ku tilmaamay “Waxaa nasiib darro ah in hantidii Dawladda loo isticmaalo olole siyaasadeed iyo urur gaar loo leeyahay, iyada oo si sharci darro ah looga faa’iidaystay ciidankii baanbayda, warbaahintii qaranka iyo xataa shaqaalihii rayidka ahaa ee dawladda,” ayuu yiri Farmaajo.

Hoos ka akhriso qoraalka Farmaajo:

Waxaan ka digayaa dhibaatada ay leedahay in kooxaysi ku salaysan dan gaar ah laga doorbido wadajirka iyo danta guud, lana geliyo dalka xaalad halis ah oo dhaawacaysa midnimada iyo xasilloonida.

Maxadaxwene Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu si ula kac ah ugu tuntay dastuurka JFS ee lagu doortay, gaar ahaan qodobada 87-aad, qodobka 50aad, qodobka 92aad iyo qodobka 65aad oo si cad u qeexaya waajibaadka ilaalinta dastuurka iyo midnimada dalka, doorka Madasha Wadatashiga Qaran ee go’aammada masiiriga ah, hannaanka federaaleynta dalka iyo waajibaadka Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo aan xubin ka noqon karin xisbi iyo urur siyaasadeed.

Sidaas darteed, waxaan markale Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqeynaa inuu ka dhabeeyo ballantii Shirka Wadatashiga Qaran ee laga sugayey, talada ballaariyo, kuna hoggaamiyo dalka midnimo iyo wadajir, una soo laabto sharciyadda iyo siyaasad loo dhan yahay oo dalka looga gudbin karo xaaladda uu ku jiro.

Si gaar ah, waxaan u soo jeedinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda in uu ka laabto tallaabooyinka halka dhinac ah ee khilaafku ka taagan yahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin laalidda dastuurka lagu doortay, ka shaqeynta shuruuc iyo guddiyo doorasho oo aan loo dhammayn iyo burburinta Madasha Wadatashiga Qaran, arrinkaas oo abuuray darafyo siyaasadeed oo laga baaqsan karay.

Waxaa nasiib darro ah in hantidii Dawladda loo isticmaalo olole siyaasadeed iyo urur gaar loo leeyahay, iyada oo si sharci darro ah looga faa’iidaystay ciidankii baanbayda, warbaahintii qaranka iyo xataa shaqaalihii rayidka ahaa ee dawladda.

Madaxwweyne Xasan Sheekh waa in uu raadiyo dowlad-goboleedyada ka maqan shirarka Madasha Wadatashiga Qaranka, si loo xaqiijiyo talo loo dhan yahay, doorashada heer dowlad gooboleedna uu u fasaxo Madaxda Dowlad-goboleedyada muddo-dhaafka ah ee uu hortaagan yahay.

- Advertisement -

Read more

Local News