Farmaajo oo ka hadlay arrimo xasaasi

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in ammaan darida ka jirta magaalada Muqdisho in ay sabab u tahay ballab qaadyada madaxda dowladda iyo laamaha ammanka in si ficil ah loo meel marin.

Farmaajo oo la hadlay Idaacadda maxaliga ee Kulmiye, ayaa caddeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay rabaan nabad oo ay u bisil yihiin, balse wuxuu yiri waxa ay le yihiin mas’uul ay la shaqeeyaan.

Wuxuu madaxda dowladda ugu baaqay in la yimaadaan hab dhaqan wadaniyadeed maadama nidaamka qabiilka aanu meel gaareynin.

Wuxuu kaloo ku baaqay in la daryeelo oo laga warqabo ciidamada dowladda xittaa saraakiisha xilalka laga qaaday.

“Haddii askariga Furunta horre ee dagaalka ku jirra uu arko saaxiibkiis oo si xun u dhaawacmay oo meel ku uray, wuxuu isweydiinaa maxaad u dagaallameysaa, taasina waa arrin dhabar jab ah” ayuu yiri Mudane Farmaajo.

Farmaajo ayaa sheegay haddii la rabo in wax la qabto in lala yimaado siyaasad ka badalan midda hadda ay ku shaqeyso dowladda.

“Waa in mas’uul kasta oo ka tirsan dowladda uu u shaqeyso si wadaniyad leh, waa in xildhibaanka uu ogaadaa in kursiga u ku fadhiyo uu ugu shaqeyo si wadaniyad ah balse aanu u shaqeyn qaab qabiil” ayuu yiri Farmaajo.

Waa hadalkii ugu cuslaa ee ra’iisal wasaaraha horre ee Soomaaliya uu Farmaajo u jeediyo dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com