XOG: Magacaabista duqa MUQDISHO oo go’aan laga gaaray ugu dambeyntii

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa go’aan ku gaaray inuu guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho u magacaabo Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Maxamed Maxamuud (Muungaab), ilo-wareedyo jooga Villa Somalia, ayaa u sheegay Caasimada Online.

Inkasta, oo markii horeba ay Caasimada Online ku warrantay in Muungaab yahay ninka beddelaya, haddana madaxweyne Xasan Sheekh, wuu laba qalbiyeynayey.

Sida ay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in go’aankan uu la xiriir soo jeedin ka timid Wasiirka arrimaha guddaha Dowladda Federaalka, oo tixraaceyso soo jeedin hore oo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed uu Madaxweynaha ku ogolaaday isla markaana saxiixay soo jeedintaasi hore iyo mida danbe ee wasiirka cusub.

General Muungaab
General Muungaab

Warku wuxuu intaa ku darayaa in magacaabista Muungaab ee Guddoomiyaha gobolka iyo Duqa Muqdisho iney ka danbeysay wadatashiyo Madaxweyne Xasan Sheekh uu la yeeshay beesha Muddulood ee ugu tirada badan gobolka Banaadir.

Aqoonyahano iyo rag magac ku leh bulshada dhexdeeda ayaa mudooyinkii u danbeeyay tartan adag ugu jiray qabashada xilkaasi, inkastoo ay guuldareysteen xubnahaasi.

Wareegtada lagu magacaabay Muungaab ayaa xittaa la sheegay inay diyaarsan tahay oo ay saxiixeen Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Xasan Muungaab ayaa aad ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga C/kariin Guuleed, waxaana lagu xantaa inuu ka tirsan yahay xisbiga Damjadiid ee kooxda talada awooda ku leh.

Macsalaamo Mudane Tarsan
Macsalaamo Mudane Tarsan

Guddoomiyaha xiligan haya jagadaasi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa arintan wax badan ka og, inkastoo uusan ku qanacsaneyn, haddana waxaa lagu qanciyay in darajo kale loo magacaabi doono, gaar ahaan mid ka mid ah Safiirada dalalka miisaanka ku leh arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Tarsan ayaa xilkani mudo afar sano ah soo haayay, wuxuuna wax badan ka qabtay horumarka Muqdisho, inkastoo ay jiraan dhaliilo iyo amaan maamulkiisa mudan yahay.

Muungaab, waa nin Milatari oo aan nixin, taasi oo dada badan ay u arkaan waxa iminka looga baahan yahay gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com