FARMAAJO oo ka hadlay arrin muhiim ah oo ay madaxda DF SOOMAALIYA is illowsiinayaan !!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarihii hore ee Xukuumada Somalia Mohamed Abdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Jaaliyada Soomaalida ee ku nool magaaladda Saint Cloud ee Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Farmaajo oo halkaasi ka jeediyay hadalo dhinacyo badan taabanaaya ayaa sheegay in uu dhibta la qeybsanaayo Ciidamada DF iyo guud ahaan shaqaalaha Dowlada ee aan sida saxda ah u helin xuquuqdii ay kulahaayen DF Somalia.

Waxa uu sheegay in xiligiisa uu xooga saari jiray sida Ciidamada Dowlada iyo shaqaalaha qeybahooda kala duwan lagu qancin lahaa una heli lahaayen mushaar joogta ah, balse iminka aysan muuqan dadaal dheeri ah oo ku aadan xuquuqda dadka waxtarka leh ee la shaqeeya DF.

Waxa uu tilmaamay inay jiraan Saraakiil iyo Ciidamo farabadan oo ka tirsan DF oo aan dhowr bil helin xuquuqdii ay ku lahaayen Dowlada Somalia, taasina ay tahay mid ka fog xaqiiqda jirta.

Waxa uu sheegay in Somalia mar un ay ka bogsan doonto arrinta maanta taagan waxa uuna dhalinyarada mustaqbalka leh ee ku nool dalka Maraykanka ugu baaqay inay u midooban dib u hormarinta dalka si looga talaabo ayuu yiri arrinka maanta taagan.

Dhinaca kale, waxa uuu rajo wanaagsan ka muujiyay Horumarada iminka ka socda dalka Somalia waxa uuna Soomaalida ugu baaqay inay qaadaan talaabooyin hormarinkara dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com