Kenya oo joojisay duulimaadyadii SOOMAALIYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo laga helaayo dhanka Hay’ada duulimaadyada dalka Kenya ayaa sheegaya in la hakiyay dhamaan duulimaadyadii ka tagi jiray iyo kuwii imaan jiray Somalia.

Amarka ay Hay’adda ku hakisay duulimaadyada ayaa la sheegayaa inuu kasoo baxay Wasiirka amniga Dowlada Kenya, waxa uuna sabab uga dhigay arrimo la xiriira dhanka amaanka.

Go’aanka lagu hakiyay duulimaadyada lama shaacin goorta ay ku ekaan doonto balse waxaa la xaqiijiyay in si rasmi ah loo joojiyay duulimaadyada.

DF Somalia weli ma aysan ka hadal joojinta duulimaadyadii u kala gooshaayay Somalia iyo Kenya, waxa ayna tani ka turjumeysaa hoos u dhaca xiriirka Kenya iyo Somalia.

Arrinta hakinta duulinaadyada ayaa imaaneysa xili Dowlada Kenya ay u diyaar garoobeyso soo dhaweynta Madaxweynaha dalka Mareykanka Barak Obama iyo Xubno ka tirsan Qoyskiisa oo ku began bisha soo socota.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com