Farmaajo oo ka hor imaaday hal arrin oo dhaqan iyo caado u noqotay Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa si rasmi ah uga hor imaaday qorshaha ay Soomaalida ku doonayaan in lagu kala sareysiiyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa tilmaamay in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo siman oo aan ku kala sareyn dalkooda.

Waxa uu tilmaamay in dhammaantooda ay yihiin kuwo u siman sharciga iyo xukunka, waxa uuna arrin aad u fool-xun ku sheegay in la kala sareysiiyo shacabka.

‘’Shacabku wey siman yihiin ma jirto cid ku kala sareysiin karta qabiil ama itaal daro qofkii waxaa aaminsan waxaan leenahay shacabku wey siman yihiin mana jirto wax la yiraahdo kala sareyn’’

‘’Waxa na qaribay ee adduunka naga reebay ayaa ah kala sareysiinta Umadda Soomaliyeed,ma jiro cid ka sharaf badan cid kale wey siman yihiin shacabku’’

Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacanta is qabsadaan, waxa uuna carab dhabay in midnimada Umadda Soomaaliyeed ay waxbadan ka bedeli doonto dhibta heysata dalka.

Dhinaca kale, Dadka xilalka ka haya dowlda ayuu ugu baaqay in si siman ay ula dhaqmaan dhammaan Shacabka Soomaaliyeed oo aan la kala qeyqeybin, isla markaana meesha laga saaro waxyaabaha dhaqanka iyo caadada u noqday shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com