Afaafka hore Xarunta degmada Cadaado oo isbaaro la dhigay & Xiisad dagaal oo taagan

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaa ay goordhow ka bilaabatay xiisad dagaal.

Xiisada ayaa la sheegayaa inay timid kadib markii xarunta degmada Cadaado ay isbaaro hordhigteen maleeshiyaad Hubeysan.

Isbaaradan la hordhigay xarunta ayaa la xaqiijiyay in dhaqaale xad dhaaf ah looga qaadayo dadka shacabka ah oo la doonaayo in laga horgeeyo maamulka.

Isbaarada cusub kadib dadka deegaanka iyo maamulka degmada ay goordhow bilaabay sidii isbaaradaasi looga qaadi lahaa magaalada cadaado.

Maleeshiyaadka ayaa Hub farabadan geeyay goobta ay isbaarada taal, waxaana aad looga cabsi qabaa in halkaa uu ka dhaco dagaal.

Ciidamada maamulka ayaa ku sugan meel aan sidaa uga sii fogeyn halka ay maleeshiyada joogan, waxaana la dareemayaa dhaqdhaqaaq.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com