Ganacsatada Muqdisho oo iskood dib u furay Suuqa Bakaaraha & Diidmada Canshuurta oo ka fashilantay

Muqdisho (Caasimadda Online) _ Dhaqdhaqaaqii ganacsiga Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa saaka dib loo furay, kadib markii ay go’aankoodii ka laabteen ganacsada diidan bixinta canshuurta ay soo rogtay dowladda.

Guddiga Ganacsata Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho oo muddo saddex maalmood ah xayiraad ku soo rogtay ganacsiga suuqa, isla markaana diiday in l furo suuqa ayaa saaka sheegay in u naxeen dadka muruqmaalka ah ee Suuqa ku tiirsan yahay.

Gudoomiyaha Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Xasan Dhiif, ayaa xaqiijiyey inaan wax xal ah laga gaarin dhibaatada ka dhalatay canshuurta iibka ee dowladda ay soo rogtay, Wuxuuna ku celiyay inay ka codsanayaan in canshuurtaasi habka loo maareyn karo ee wanaagsan loo maro.

Xaaladda suuqa ayaa caadi ku soo noqotay kadib maalmo shaqo joojin ah oo isku soo rogeen ganacstada, si ay culeys u saaraan dowladda, balse ma jirin wax debecsanaan ah oo laga helay dhinaca xukuumadda Soomaaliya.

Qaar ka mida ganacstada Suuqa ayaa sheegay in iyagoo aan ogoleyn inay xiraan ganacsigooda ay u xireen markii cadaadis iyo baqdin la geliyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com