Allaha u naxariistee Nabadoon Axmed Diiriye oo Saacadaha soo socdo lagu Aasayo halkii uu ka dardaarmay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Allaha u naxriistee nabadoon  Axmed Diiriye Cali oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ayaa Maanta lagu wadaa in lagu Aaso duleedka Magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud.

Nabadoon Axmed Diiriye ayaa Salaadii Janaasada waxaa lagula tukaday  Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee Muqdisho waxaana  Salaada Janaasada ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Amniga, Xildhibaano, Odayasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulsahda Soomaaliyeed.

Meydka Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa loo qaaday Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud halkaas oo lagu aasi doono, maadaama inta uusan geeriyoon ka hor uu ku dardaarmay in lagu aaso deegaan dhaca duleedka Magaalada Cadaado.

Aaska nabadoonka ayaa waxaa la filyaa in uu ka qeyb galo madaxda Xukuumada galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali xasan iyo xubna kale oo ka tirsan Maamulka galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com