Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay ku dhaqaaqi doonto shaqa abuur dhanka dhalinyarada ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu dareensan yahay dhibta heysata dhalinyarada Soomaaliyeed, waxa uuna cadeeyay inay suuragalin doonaan sameynta shaqooyin ay nolol maalmeedka ku raadsan doonaan dadka shacabka ah.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in ujeedka shaqo abuurka uu yahay mid dhalinyarada looga faa’iideynaayo Kheyraadka ku jira dalka.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha in Soomaaliya lagu casuumayo maalgeliyaal caalami ah, si ay u maalgashadaan, islamarkaana sidoo kale Dhalinyarada Soomaaliyeed shaqo abuur ay ugu sameeyaan.
Farmaajo ayaa sheegay in DFS ay sameyn doonto qorshe lagu xakameynayo guud ahaan dhaqaalaha dalka.
Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaanan helin fursado shaqo oo wanaagsan, waxaana jira shaqooyin fara badan oo dhalinyarada ay qaban karaan, balse loo dhiibo dad shisheeye ah oo dalal kale ka yimid.
Haddalka Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo beegmaaya xili inta badan dhalinyarada ay ka tahriibaan dalkooda iyagoo u tahriiba dalal shisheeye.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

