Farmaajo oo ku wajahan Sacuudiga iyo xal laga gaarayo khilaafka Somalia iyo Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu u ambabaxo dalka Sucuudi Carabiya halkaasi oo uu kaga qeyb gali doono shirka 29aad ee ururka Jaamacada Carabta.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa waxaa socdaalkiisa dalka Sacuudiga ku wehlinaaya Wasiiro, Xildhibaano iyo howlwadeeno ka tirsan Madaxtooyada Somalia.

Sida aan xogta ku heleyno Madaxweyne Farmaajo, ayaa lagu wadaa in shirka Jaamacada Carbta ee ka furmaaya dalka Sacuudiga uu ka jeedin doono Khudbad dhinacyo badan taabaneysa.

Khudbada Madaxweyne Farmaajo, ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa xaalada dhabta ah ee Somalia, Amaanka, Hiigsiga iyo Isbedelada ka socda dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la rajeynayaa inuu kulamo la qaato qaar Kamid ah Madaxda dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacada Carabta ee Shirkaan ka qeyb galaya wuxuuna kala hadli doonaa xiriirka kala dhaxeeya soomaliya iyo sidii loo adkeyn lahaa.

Waxaa sidoo kale soo baxaya Warar sheegaya in dowladda Sucuudiga ay dhex dhexaadin doonto dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo ay ka dhaxeyso Xiisad siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadan ayaa imaaneysa ka gadaal markii Axadii ina dhaaftay lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho Boorsooyin ay ku jireen 9.6 Milyan oo Doolar, Lacagtaas oo leheyd Safaaraa Imaaraatka Carabta iyadoona markii dambe lagu shubay Bankiga Dhexe ee Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com