Farmaajo oo kulan deg deg ah la yeeshay hanti dhawraha guud iyo amar cusub oo uu soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan deg deg ah la yeeshay Hanti Dhawraha guud ee qaran Dr. Nuur Faarax Jimcaale kadib markii la jabsaday xafiiskiisa oo ku yaal madaxtooyada Soomaaliya.

Kulankaan ayaa imaaday markii ay soo baxday warar sheegayo in xafiiskiisa la jabsaday sidoo kalana lagala baxay qalab muhiim ah iyo Document aan laga maarmi karin.

Madaxweynaha ayaa Hanti dhawraha waydiiyey qaabka ay u dhacday arrintaas iyo cidda ka dambeyso, wuxuuna u sheegay  inuusan ilaa hadda garaneyn cidda ka dambeyso falkaan guracan ee xafiiskiisa lagula kacay.

Arintaan oo la yaab iyo fajac ku noqotay madaxda Villa Soomaaliya sidoo kalana abuurtay xiisad siyaasadeed ayuu madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo amar ku bixiyey in si deg deg ah loo soo baaro arrintaasna lana soo caddeeyo cidda ka dambeyso.

Warar soo baxayo ayaa sheegayo inay falkaan ka dambeeyeen qaar ka tirsan xafiiska Hantida dhawraha guud ee qaranka waana midda keentay inuu falkaan noqdo mid saameyn ku yeeshay Xarunta Villa Soomaaliya.

Hanti Dhawraha guud ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku mashquulsanaa soo bandhigista lacag lagu sheegay ilaa 110 Malyan oo Dolar oo ku maqan dowladdii hore ee waqtigeeda dhamaaday, waxaana la filayaa inay arrintaan ku lug lahaadaan shaqaale ka tirsanaa xukuumadii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com