Somaliland oo shaki galisay saxiixa saldhigga milatari ee Imaaraadka ee Barbara

Hargeysa (Caasimada Online) – Mas’uul ka tirsan maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in maamulka uusan wali saxiixin Heshiiska Imaaraadka iyo Somaliland ee Saldhiga Militery.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Kaaliyaha Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Heshiiska uu wali yahay mid qabyo ah isla markaana aanu ku dhicin saxiixa Madaxweynaha maamulka.

Waxa uu sheegay in Heshiiska uu ka dhiman yahay saxiixa Madaxweynaha kaa oo hirgali doona markii lasoo dhameeyo dhammaan qodobada harsan.

”Madaxweynuhu isaga oo dastuurku awood u siiyay inuu heshiis soo galo, kadibna ka ansixiyo golayaasha , wuxuu doorbiday isaga oo tala wadaag iyo tixgelinta dadkiisa eegaya, heshiiskii oo aanu weli saxiixin oo qabyo ah, qodobadii uu kula soo heshiin lahaa dowladda aynu wax wada galeyno oo aanu weli isagu saxiixin ayuu soo hordhigay labada gole”

”Waxaa la joogaa xiliga la saxiixi lahaa Heshiiska balse waxa uu Madaxweynaha ka fiirsanayaa dhibta imaankarta waxa uuna wali wadaa la tashiyo”

Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay in Heshiiska uu si KMG ah hakat usii galay isla markaana uusan ku dhicin saxiixa sababo la xiriira qodobo dheeri ah oo aan leysku fahmin.

Waxa uu cadeeyay in saxiixa Madaxweynaha uu dhawaan ku dhici doono Heshiiska labada dhinac dhexmaray waxa uuna meesha ka saaray in Heshiiska uu hakat gali doono ama fashilmi doono.

Haddalka Muuse Biixi Cabdi, ayaa imaanaya xili DFS ay si cad u hakisay Heshiiska ay Imaaraadka ku dhisaneyso Saldhiga Militery ee Barbara.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com