Ahlu-Sunna oo dalab ka duwan kuwii hore hordhigtay Farmaajo iyo Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Ahlusuna ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaraha ay ka doonayaan in Golaha Wasiirada ay ka helaan kursi fiican.

Maamulka waxa uu sheegay in Ahlusunna ay si gaara usoo dhaweysaneyso Dowlada cusub, balse loo baahan yahay in sanadkaani lagu tijaabiyo Wasaarad tayo leh.

Gudoomiyaha Ahlusunada ee Gobolada Konfureed Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal, ayaa sheegay in Ahlusuna ay ku biiri doonto Dowlada waxa uuna cadeeyay in Ciidamadooda ay ku dari doonaan kuwa Dowlada.

Waxa uu Guddoomiyaha sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha looga baahan yahay inay tirtiraan xumaanta horay loogu geystay Ahlusuna waxa uuna tilmaamay in iminka ay doonayaan Wasaarad tayo leh.

Sheikh Isxaaq ayaa codsaday in xubno muhiim ah laga siiyo Golaha wasiirada ee lagu dhawaaqi doono maalmaha soo socda, si ay uga soo muqdaan wasiirada imaan doono.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Ahlusunada Koonfureed ayaa soo jeediyey in laga qeyb galiyo golaha xukuumada oo uu sheegay inay wax badan qaban karaan Culima’udiinka Ahlusunna Wal-jamaaca, loona baahan yahay in fursad loo siiyo kamid ahaanshaha wasiirada cusub.

Dhinaca kale, waxa uu ku celceliyay in lama huraan ay tahay in il gaara lagu fiiriyo Ahlusunna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com