Farmaajo oo kulan natiijo la’aan ku dhamaaday la qaatay odayaasha iyo siyaasiyiinta Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kulan la yeeshay odayaasha iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa ka dambeeyay kadib markii madaxweynaha uu ka codsaday hogaanka dhaqanka ee Odayaasha iyo siyaasiyiinta, waxaaa looga hadlayay dhibaatooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa ku dhamaaday Natiijo la’aan kadib markii odayaashii ka qeyb galay ay ku kala qeyb sameen hadal jeedin uu sameeyay mid kamid ah nabadoonada kulanka lagu marti qaaday, sida xogaha lagu helayo.

Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka oo hadal la siiyay ayaa la sheegay inuu soo bandhigay dhibaatooyinka shacabka ku qabaan xernaanshaha waddooyinka, canshuuraha laga qaado iyo dilalkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay.

Waxaana kadib odayaasha qaar ay bilaabeen inay sheegaan in ujeedadaasi aan loogu tagin madaxweynaha, islamarkaana ay haboon tahay in laga war sugo madaxweynaha, taasi oo keentay in odayaasha dhaqanka kala qeybsamaan.

Nabadoon Cali Axmed Maxamuud oo kamid ahaa dadka ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in arimaha kale ee goobta lagu soo bandhigay inay qeyb ka aheyd xiisadii ka dhalatay amarkii guddoomiye Yariisow iyo diidmadii Muuse Suudi Yalaxow.

“Odayaasha iyo siyaasiyiinta la kulmay madaxweynaha, waxaan ognahay in Muddulood aysan u dhameyn kulanka, dan caam “Guud” ah kalama aysan hadleyn ee dantooda gaarka ah ayay kala hadlayeen”

“Kulanka waxaa lahaa dalabkiisa madaxweynaha, waxaana la isku qabtay in ujeedada meesha loo tagay waxaan aheyn in lasoo bandhigay, kooxdii kale ayaana ka biyo diiday in shirka uu sii socdo, waana lagu kala tagay”ayuu yiri Nabadoon Cali.

Odayaasha Muqdisho ayaa shalay ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay joojiso hanjabaadaha badan ee loo geysanayo shacabka Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com