Wararkii ugu dambeeyay banaanbaxyo ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah wadayaasha gaadiidka dadweynaha ayaa maanta banaanbaxyo ka dhigay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Gaadiidleyda ayaa sheegay inaysan u dulqaadan karin lacagaha tirada badan ee laga qaado gaadiidka dadweynaha iyo xernaanshaha waddooyinka magaalada Muqdisho, maadaama aysan ka shaqeyn karin meel walbaa oo Muqdisho kamid ah.

Qaar kamid ah wadayaasha gaadiidka dadweynaha ayaa sheegay in ku dhawaad 50 kun oo Shilin Somali ah mar walbaa oo ay ka yimaadaan Afgoote looga qaado Ex Control Afgooye.

Sidoo kale waxay sheegeen in Marka ay Muqdisho ka baxaan maamulka Koofur Galbeed uu ka doonayo lacag canshuur ah, marka ay soo galayaan magaaladana sidoo kale dowladda Soomaaliya ay ka dooneyso Canshuur.

Arimahaasi ayay sheegeen inaysan u cuntameynin wadayaasha gaadiidka dadweynaha, iyaga oo dalbaday in loo furo waddooyinka Muqdisho si ay ugu shaqeystaan degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

“Lacago badan ayaa nalaga qaadaa, waxba nagama dhibeyso balse waxaa wanaagsan in naloo furo waddooyinka Muqdisho, maantana sidaa ayuu banaabaxeena ku saabsan yahay, waxaana ku dhawaaqnay shaqo joojin”

“Waxaan nahay dadka ku shaqeysta gaadiidleyda BL-ka, meel aan marno malahan, waxaan diyaar u nahay inaan shaqada joojino, meel kastaana waan ku banaanbaxeynaa, Ex Control 43 kun Shilin Soomaali ah ayaa nalooga qaadaa socod walbaa oo Afgooye aan ka nimaado, haddana meel aan ku shaqeysano malahan”ayuu yiri mid kamid ah dadka banaanbaxa dhigayay oo saxaafadda la hadlay.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa kordhay kacdoonka ay dadweynaha ka sameynayaan dilalka rayidka loo geysto iyo banaanaxyada ay sameynayaan dadka ay waddooyinka ka xiran yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com