Kulankii gaadiidleyda BL-ka iyo duqa Muqdisho oo fashil kusoo dhammaaday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xarunta Aqalka dowlada hoose ee Xamar kulan kula qaatay Guddiga gaadiidka BL-ka ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa Ujeedkiisa waxa uu ahaa Xoojinta wadashaqeynta ka dhaxeysa maamulka gobolka Banaadir iyo guddiga gaadidka BL-ka eek a shaqeysa Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Maamulka G/banaadir ayaa Guddiga Gaadiidleyda BL-ka waxaa qaabilay xubno uu horkacayey guddoomiye ku xigheenka G/banaadir Xuseen Maxamed Nuur, waxaana looga dooday cabashada gadiidleyda BL-ka oo bannaabaxyo ka waday Ex Koontoool Afgooye, iyadoo dalbanayey in jidadka loo furo ama laga dhaafo canshuurta maalin waliba laga qaado.

Xubin ka tirsan Guddiga gadiidleyda BL-ka ayaa sheegay in maamulka G/banaadir uu ku dooday in dhagxaanta wadooyinka lagu xiray lagu sugayo amniga magaalada, isla markaana aysan ka maarmin canshuurta, iyaguna ay ku adkeysteen inaysan is qaban karin wado xiran inay ku shaqeeyaan.

Guddigga Gaadiidleyda BL-ka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu banaanbaxa sii socon doono inta wax laga badalayo xaaladda taagan oo ah mid aan lagu sii shaqeyn karin.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa,iyadoo saakay Ex Koontarool ee Magaalada Muqdisho ay banaanbax ka dhigeen qaar kamid ah Darawallada gaadiidka BL-ka,isla markana ka cabanayay Wadooyinka xiran ee Muqdisho,iyadoona sheegay inay ay bixiyaan lacagta Canshuurta laga qaado.

Jidadka Muqdisho ayaa xiran ku dhawaad 20 Maalin, waxaana soo badaneyso cabashada ka imaaneyso Shacabka Muqdisho kuwaas oo si dhab ah ku aado Shaqooyinkooda.

Dadka qaar ayaa Magaalada Muqdisho isaga dhex raaco illaa 3 Gaari oo kala wareeg ah, halka markii hore ay raaci jireen hal Gaari oo toos u geyn jiray halka ay rabaan inay aadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com