Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda beesha Biyomaal ayaa waxay kaga hadleen xaalada dagaalada kusoo laalaabtay deegaanada hoostaga magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaaladaasi ayay sheegeen odayaasha dhaqanka inay yihiin kuwo dano siyaasadeed laga leeyahay, waxyeelo badanna ay kasoo gaartay shacabka ku dhaqan deegaanada dagaalada ay ka dhacayaan.
Waxay sheegeen in dowladda Soomaaliya ee cusub looga baahan yahay inay wax badan ka qabato dagaalada halkaasi kusoo laalaabtay iyo abaaraha ka jira deegaanada beeshooda ay dagto.
Dhinaca kale waxay odayaasha dhaqanka ay sheegeen inay ka xun yihiin in dowladdii Xasan Sheikh iyo maamulka koofur Galbeed ay wax ka qaban waayaan dhibaatooyinka ka jira deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose.
Waxay sheegeen in dowladda Farmaajo ugu baaqayaan inay il gaar ah ku hayaan xaaladaha ka jira gobolka Shabeelaha Hoose.
Ugu dambeyn odayaasha dhaqanka ayaa sheegay inay iyaga yihiin odayaasha rasmiga ee beesha Biyo-maal ayna soo dhaweynayaan ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

