Xog: Madaxweyne Farmaajo oo dalab muhiim ah hor-dhigay CC

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maxamed C/llahi Farmaajo oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa kulan khaasa la yeeshay sii hayaha xilka ra’isul wasaarihii hore ee Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Cumar C/rashiid ku amray inuu diyaariyo dhammaan Dukumiintiyada Khuseeya Heshiisyadii Dowladda ay gashay intii uu xafiiska joogay, waxa uuna ka dalbaday in dhow uu kula shaqeeyo Ra’iisul wasaaraha magacaaban.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Cumar C/rashiid ugu baaqay in Ra’isul wasaaraha la magacaabay uu kala shaqeeyo Howlaha qaranka mudada laga gaaraayo sharciyeenta Ra’isul wasaaraha cusub.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha magacaaban ayaa lagu wadaa in kulan guud ay la qaataan Ra’isul wasaarihii hore Cumar C/rashiid si ay u wadaagaan Macuumaadka khuseeya shaqooyinkii uu horay usoo qabtay iyo kuwa qabyada ah.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa wada qorsho lagu dadajinaayo sharciyeynta Ra’isul wasaaraha magacaaban Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com