Puntland oo nabadoon caan ah u xirtay sabab yaab leh

Bosaso (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Boosaaso ee gobolka lagu xiray Nabaddoon C/qaadir Axmed Xarago oo ah afhayeenka odayaasha dhaqanka ee gobolka Bari.

Xariga Nabadoonka ayaa waxaa geystay Ciidamada maamulka Puntland kuwaa oo xiliga lagu guda jiray xiritaankiisa kula kacay jir dil, sida ay sheegeen goobjoogeyaal iyo ehelkiisa oo la hadlay warbaahinta gudaha ee magaalada Boosaaso.

Xariga Nabadoonka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo booqasho uu ugu tagay 7 dhalinyaro oo dhawaan maamulka Puntland ay ku xukumeen dil Toogasho ah, kuwaasi oo uu shaaca ka qaaday in jir dil xooggan lagula kacay.

Sababta xariga Nabadoonka ayaa la sheegay inay tahay kadib markii uu baahiyay warar sheegaya in dhalinyaradaasi loo geysto jir dil, ka hor inta uusan dhicin xukunkooda dilka ah, arrintaas oo la sheegay in Puntland ay aad uga carrootay.

Maamulka Puntland weli wax faahfaahin ah kama aysan bixin xariga nabadoonka, waxaana hadda sii kordhaya baaqyada ku saabsan in si deg deg loo sii daayo, oo dib loo siiyo xoriyaddiisa.

Dhinaca kale, Xukunka dhalinyaradaasi todobada ah lagu riday ayaa waxaa kasoo horjeestay inta badan waxgaradka gobolka Bari oo sheegay in xukunka uusan aheyn mid Caddaalad ah.

Caasimada Online
Xafiiska Bosaso
Caasimada@live.com