Xog: Gaas oo wado qorshe uu isugu shaandheynayo golaha wasiirada

By Asad Cabdullahi Mataan

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa waddo qorshe uu iskugu shaandheynayo golaha wasiirada maamulkiisa.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Gaas uu doonayo inuu isku shaandheeyo golaha wasiirada ee Puntland.

Isku shaandheyntaan ayaa madaxweyne Gaas wuxuu waday bilihii u dambeeyay, waxaana hadda soo baxaya in la isku af gartay oo maalmo kadib la sameyn doono.

Gaas ayaa latashiyo kala duwan maalmahaan ka waday deegaanada Puntland, waxaana uu magaalada Boosaaso ka wadaa kulamadaasi uu dadka kula tashanayo.

Madaxda ugu sareyso Puntland ayuu xalay ilaa shalay kulamo kala duwan kula lahaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, isagoo arimahaan kala tashanaya.

Guddoomiyaha baarlamaanka, madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa ayaa hadda ku sugan magaalada boosaaso ee gobolka Bari.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhaliil xooggan kala kulmaya Siyaasiyiin uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo hadda ku sugan Magaalada Garoowe.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com