Maxay ku kala duwan yihiin yihiin safaaradaha USA, UK, Turkey iyo Jabuuti ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan ayaa isweydiinaya safiirada dalalka caalamka usoo magacaabaan magaalada Muqdisho iyo halka ay ku shaqeeyaan.

Safaaradaha ku yaala magaalada Muqdisho oo ah kuwo kooban ayaa ka dhaqdhaqaaq wanaagsan safaarado badan oo aan ku oolon masina warqadaha aqoonsiga laga gudoomay.

Safiirada Mareykanka, Canada, UK, Talyaaniga, Midowga Yurub iyo dalal kale oo dhowr ah ayaa ku shaqeeya dhismooyin Teendhooyin ama kunteenaro ka sameysan oo ku yaala Xarunta Xalane.

Marka aad gudaha u gasho dhismaha Xalane, waxaad dareemeysaa in Xalane ay  tahay xarun ajaaniib oo Soomaalida ay ku yar tahay, waxaana ugu wacan safaaradaha badan ee ku dhex shaqeeya.

Laakiin Safaarada Turkiga ayaa ka duwan oo waxay dhisme dhaqaalo badan uu ku baxay ay ka dhisteen degmada C/casiis, walow ay dhisteen meel xeebta ku teedsan.

Haddana waxaad moodaa inay mareyso sharciga saxda ah ee agu yaqaano safaarad maadaama ay ku shaqeyneyso dhisme ay leedahay.

Sidoo kale safaarada Jabuuti ayaa ka duwan oo waxay maalintii Arbacada ay dhagax dhigtay dhisme ay ku shaqeyn doonto.

Haddii hantida ajaaniibta ay geliyaan gudaha magaalada Muqdisho, waxaana muuqanaya in la wada eegi doono amaanka dalka oo hantidooda ay difaacan doonaan dadka ajaaniibta ah, balse hadda haddii ay doonaan daqiiqad gudaheed ayay dalka dhan kaga tagi karaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com