Guusha socdaalkii Farmaajo: Aqri lixda mashruuc ee Sacuudiga uu ka fulinayo Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib booqasho uu ku tagay dalka Sacuudiga, halkaasi oo heshiisyo muhiim ah uu kula soo galay dowladda dalkaas.

Faahfaahinno dheeri ah ayaa laga halayaa heshiishyadaa, waxaana dowladda ay sheegtay in boqortooyada dalka Sacuudi Carabiya ay madaxweynaha Soomaaliya u ballan-qaaday illaa lix arrin oo muhiim u ah dowladnimada.

Sacuudiga waxaa ballan-qaaday:

1 – Kabidda miisaaniyadda Soomaaliya.

2 – Dhismaha xarumaha ay Ku shaqeeyaan dowladda iyo wasaaraheeda.

3 – Dhismaha garoon diyaaradeed oo cusub

4 – Dhismaha waddooyinka isku xira gobollada dalka.

5 – Furitaanka safaaraddii Sacuudiga ee Muqdish0.

6 – Taageridda Sacuudiga ee arrimaha abaaraha dalka ka jira.

Ballan-qaadyada Sacuudiga waxaa ay imaanayaan kadib markii booqasho labor maalmood ah uu halkaasi Ku tahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, taasi oo ahayd safarkiisii ugu horreeyey ee uu dalka kaga baxo isaga oo madaxweyne ah.

Madaxweyne Farmaajo shaqada hortaalla waa in ra’isul wasaaraha cusub ka gado xildhibaannada si uu u helo kalsoonidooda, iska markaana uu soo dhiso xukuumad ka tarjunta aragtida iyo ballan-qaadyada uu Farmaajo shacabka u sameeyay xilligii doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com