Xildhibaan hore kana tirsanaa Xafiiska Jawaari oo goordhow la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa Goor dhow degmada Dharkeynleey waxa ay ku dileen xildhibaan hore CabduQaadir Qaasim Musrsal Hadana ka shaqeynaayay Xafiiska gudoomiye Jawaari.

Goobjoogaal ayaa sheegay  in dilka uu ka dhacay Xaafadda Ceel dheer ee degmada Dharkeynleey.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

C.Qaadir Qaasim Mursal ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii Baarlamaankii Madaxweyne Cabdi Qaasim Salaad Xasan.

Waxaana sanadyadii dambe uu ka shaqeynaayay Xafiiska gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

La soco waxii kusoo kordhaa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com