FARMAAJO oo laga diiday inuu ciidamada DANAB kusoo daabulo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Washington Post ayaa qoray in madaxweynaha waqtigu ka dhacay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga diiday inuu Muqdisho kusoo daabulo ciidamada Mareykanka uu tababaro ee Danab, kahor dibad-baxyadii Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Danab, oo aan magaciisa la xusin ayaa Washington Post u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu taliyaha Danab weydiistay in qaar ka mid ah ciidamada uu kusoo daadgureeyo Muqdisho, hase yeeshee codsigaas laga diiday.

Sarkaalkan oo magaciisa qariyey ma sheegin haddii Mareykanka ay kaalin ku lahaayeen diidmadan, ayada oo la rumeysan yahay in ciidamadan ay si toos ah ugu xiran yihiin Mareykanka, si ka duwan ciidamada kale ee Soomaaliya loo tababaro.

Mareykanka ayaa horey ugu diiday in ciidamadadaas loo adeegsado wax ka baxsan howlgallada gaarka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Danab ayaa la rumeysan yahay inay yihiin ciidanka ugu tababarka wanaagsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Hase yeeshee, isla toddobaadkaas ayaa waxaa Muqdisho lagu soo daabulay ciidamada kale ee gaarka ah ee Gorgor iyo Haramcad, kuwaas oo labaduba ay tababaraan Turkish-ka. Ciidankaas qaarkood ayaa loo adeegsaday weerar lagu qaaday qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka, iyo rasaas lagu furay dibad-baxayaal taageersan.

Turkish-ka ayaa hore loogu eedeeyey inay u ogolaadeen ciidanka ay tababaraan in loo adeegsado dano siyaasadeed oo ka baxsan ujeedka markii hore loo tababaray oo ah la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab. Turkish-ka ayaa ku dooday in shaqadooda ay tahay inay tababaraan ciidanka, balse sida loo adeegsanayo ay tahay arrin u taalla dowladda Soomaaliya.