Khasaare culus oo Shabaab kasoo gaaray weerar ay ku qaadeen Qansaxdheere

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay waxay sheegayaan in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay sacadihii lasoo dhaafay ku qaadeen weerar toos ah, kaas oo maamulka degmadaas uu guulo ka sheegtay.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Qansaxdheere Maxamed Mukhtaar Cabdi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay kasii war heleen weerar uga soo wajahnaa Al-Shabaab, isla markaana ay u diyaar garoobeen.

Waxa uu sheegay in markii ay soo weerareen magaalada ay iska caabin adag kala kulmeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Daraawiishta maamulka K/Galbeed.

Guddoomiye Maxamed Mukhtaar ayaa sheegay in sagaal dagaalame ay Al-Shabaab uga dileen dagaalkaas, ugu yaraan 12 kalena ay uga dhaawaceen.

Sidoo kale guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dagaalamayaasha lagu dhaawacay dagaalka ka dhacay Qansaxdhere intooda badan ay ku jiraan gacanta maamulka, iyaga oo nool.

Weerarka ay magaalada ku soo waadeen kadib waxa uu sheegay inay duleedka degmada ka bilaabeen howlgallo ka dhan ah kooxda, isla markaana ay halkaas ku dileen seddax dagaalame oo kale.

Sidoo kale guddoomiye Maxamed Mukhtaar waxuu sheegay inay ka qabsadeen Al-Shabaab gaadiid u badan mootooyin ay howlgalladooda ku fulin jireen.

Ugu dambeyntii Gudoomiye Maxamed Mukhtaar ayaa madaxda dowladda federaalka iyo maamulka koonfur Galbeed ka dalbaday inay gacan ku siiyaan sidii degmada Qansaxdheere looga saari lahaa go’doonka ay geliyeen Al-Shabaab.