Daawo: Itoobiyaan isagoo 20 jir ah xabsiga Hargeysa galay kuna soo baxay 40 jir

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxamed Muuse oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada Itoobiya ayaa shalay kasoo baxay xabsiga Hargeysa ee Somaliland, ninkaan oo isagoo 20 sano jir ah xabsiga galay sanadkii 2001, kana soo baxay isagoo 40 sano jir ah.

Ninkaani oo ku eedeysnaa dilka muwaadin Somaliland ah ayaa waxaa sii deyntiisa fududeeyay milkiilaha Astaan TV Cabdimanaan Maxamed Yuusuf oo ay isku barteen xabsiga intii uu xirnaa Cabdimanaan balan qaadayna in uu bixin doono diyada laga doonayo maxbuuska dilka ku eedeysan, hase ahaatee waxaa sidoo kale fududeeyay sii deyntiisa samafale Cabdimaailk Muuse Coldoon.

“Qabri baan ka soo baxay, meel aan u dhaqaaqo ma garanayo” ayuu yiri Maxamed Muuse oo 20 sano ku xirnaa xabsi isagoona u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay sii deyntiisa, gaar ahaan maamulaha Astaan TV iyo Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Cabdimaalik Coldoon ayaa sidaan oo kale horay xabsiga ugu soo saaray muwaadin reer Itoobiya ah oo u xirnaa diyo lagu lahaa.