25.3 C
Mogadishu
Tuesday, July 15, 2025

Qarax goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax goor how ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho e caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay meelo kala duwan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso, kaas oo lala eegtay ciidamo ku socdaalayey wadadaasi sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Sidoo kale ciidamo ka tirsanb kuwa Booliiska ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo haatan wada baaritaano, islamarkaana goobta uu qaraxu ka dhacay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay soo gaartay waxyeelada oo u badan shacab marayey wadada dhinaceeda.

Faah faahinta kala soco: caasimada.net

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News