Daawo: Masuul ka tirsan Xisbiga Wadani oo midnimo ugu yeeray Soomaaliweyn

Hargeysa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa oo hadda ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Wadani, ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay midoobaan, sibuu yiri ‘loo helo nolol tan dhaanta.’

Prof. Buubaa oo waraysi siiyay TV-ga Eryal isagoo ku sugan magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in umadda Soomaaliyeed ay wax noqon karto markii ay isku yimaadaan shantii Soomaaliyeed.

“Anigu waxaan aaminsanahay, dadka Soomaaliyeed in anay kala tagi karin, qoomiyadaha Geeska Afrika waxay ku soo ururayaan in qoomiyad waliba wax wada qabsato, oo qoomiyaduhu dhexdooda heshiiyaan, oo ay khayraadka si wanaagsan ula soo baxaan, sidaa darteed, Somaliland joog, ama Soomaaliya joog, ama Itoobiya joog, ama Jabuuti joog, ama Kenya jooge, Soomaalida maanta talaa hortaalla, taas oo ah in hadii nolol tan dhaanta la doonayo, oo jiilasha soo socda nolol loo abuurayo, taasi waxay ku imaneysaa in Soomaaliweyn wax wada qabsato,”ayuu yiri Prof. Buuba Ismaaciil Hurre.

Isagoo tusaale ka bixinayey sida ay taasi ku suurta geli karto ayaa waxa uu sheegay in qolo kasta ay maamul samaysan karto, laakiin ay tahay in lawada shaqeeyo oo aan sidaan look ala taagnaan.

“Is-maamullidu waa gooni, oo maamul waala samayn karaa meel ugaara, laakiin danaha Geeska Afrika umadda Soomaaliyeed waa mid aan kala go’aynin, oo Ilaahay ayaa sidaan u abuuray, oo midna aanu mid la’aantii anay waxba u suuroobayn, anigu Hargaysa ayaan ku dhashay, Awaare ayaan ku koray, Soomaaliduna waa wada sidaas oo kale, marka in been aan isku sheegno maaha,”ayuu hadalkiisa kusii daray Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa.

Dhanka kale mar uu soo hadal qaaday heshiiskii ay dhawaan ay Muqdisho ku gaareen mucaaradka iyo xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa waxa uu sheegay inay aad u soo dhaweynayaan, isagoo u mahad celiyey madaxdii wada qaadatay heshiiskaas.

“Waxa la isku hayey waxweyn ma aheyn oo doorasho hala qabto unbey aheyd, cid diidana ma jirto, laakiin qodobo yar-yar oo wax kala riixasho ah ayaa jiray, waa ku mahadsanyahay Rooble oo la fariistay musharaxiinta oo iyaguna sidoo kale mahadsan, waxay soo afjareen cabsi weyn oo mandiqadda dhan ka taagneyd, runtii in la isku dhaco ayaan aad uga baqeynay,” ayuu yiri Prof. Ismaaciil Hurre.

Hoos ka Daawo