Al-Shabab oo xukuno kala duwan ku fulisay 3-qof + Eedeymaha loo heysto

Jilib (Caasimada Online)-Ururka Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe xukunno kula fuliyey seddax qof oo sigu jiray rag iyo dumar, kuwaas oo ay ku kala eedeeyeen gobol-dhaaf iyo xatooyo.

Siidii Muxudiin Cabdi oo lagu eedeeyey xatooyo ayaa laga jaray gacantiisa midig, sidoo kale Cilmi Khaliif Maxamed oo loo heysto kufsi ayaa laga qaaday xoolo, iyadoo lagu fuliyey xukun karbaasha ah, halka Caasha Cabdulqaadir Cumar oo loo heysto gogol-dhaaf ay ku fuliyeen xukun jeedal ah.

Nin sheegtay inuu yahay qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ee degmada Jilib ayaa fagaare ay xukunnada ku fuliso kooxdu oo ku dhex yaalla Jilib ka akhriyey eedaha loo heysto iyo xukunnada dadkaas.

Fagaaraha ay kooxdu xukunnada ku fuliso ee ku dhex yaalla Jilib ayey ugu magac-dareen hoggaamiyihii laga dilay ee Aadan Xaashi Ceyroow oo ahaa ninkii aas-aasay Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa deegaanada ay dalka ka joogaan waxay xukunno dil u badan ku fuliyaan dadka ku nool, kuwaas oo inta badan ay eedeymo uga dhigaan, basaasnimo, kufsi, xatooyo iyo waxyaabo kale, waxaana aad u cabsada dadka ku nool deegaanada ay dalka ka maamulaan.