Soomaaliya oo laga diiwaan geliyey kiisaskii ugu badnaa ee C0VID-19 ah, 48 saac

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay kiisaskii ugu badnaa ee laga helay dalka Cudurka Coronavirus muddo 48 saacadood ee la soo dhaafay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in 48 saacadood ee la soo dhaafay la baaray 1,830 ruux, balse cudurka laga helay 304 qof.

Dadka Cudurka laga helay ayaa  Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya sheegtay inay kala joogan, 147 Ruux Gobolka Banaadir, 77 kamid ah degaannada Hir-Shabeelle, Soomaliland 53 Ruux, Jubbaland 15  qof halka  Galmudug laga diiwangeliyay 7 qof.

Sidoo kale dadka cudurka laga helay ayaa 18 Ruux waxaa ay yihiin rag halka 119 kale ay yihiin dumar, waxaana Cudurka u geeriooday 48 saac ee la soo dhaafay 8 Ruux halka saddex Ruux kaliya ay ka bogsadeen.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale  shaacisay Tirada dad hor leh oo u geeriyooday Cudura halista ah ee COVID-19, kuwaasi oo kamid ahaa bukaano uu la jiifay oo uu mar hore ku dhacay.

Warbixinta maalinla ah oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay Cudurka ay ugu geeriyoodeen 8 qof oo tirada dalka COVID-19 ugu dhimatay Soomaaliya ka dhigeysa 231 ruux.

Cudurkan ayaa si weyn ugu faafaya caasimada dalka ee Muqdisho iyo sidoo kale magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ee dowlad goboleedka Hirshabele.

Dadka ayaa u muuqda inaysan dhag jalaq u siineyn fariimaha ay gudbinayaan dhakhaatiirta maadaama dadku ay is dhex socdaan isla markaana aan la dhagaysan talooyinka dhakhaatiirta.