25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Farmaajo oo maanta ku wajahan Abu Dhabi iyo qorshaha safarkiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu u socdaalo dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Casuumaad ka helay dowlada Imaaraadka, waxaana lagu wadaa inuu kala hadlo arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Heshiiska ay la galeen maamulka Somaliland ee lagu bixiyay Saldhiga Millitery.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dowlada Imaaraadka kala hadli doona Heshiisyada aan lasoo marin DFS oo ay la galayaan maamul Goboleedyada Somalia, oo ay kamid tahay Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa magaalada Abu Dubai uga sii hormaray mas’uuliyiin uu Hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Yusuf Garaad iyo Balal Cusmaan oo kamid ah la-taliyayaasha Madaxweyne Farmaajo.

Dowlada isu taga Imaaraadka Carabta ayaa sanadihii u dambeeyay fara gelin toos ah ku hayay arrimaha Somalia sida Kheyraadka iyo Siyaasada dalka, waxaana ay xiriir dhow la lahaayeen Madaxdii hore ee Somalia.

Sidoo kale, dowladaha Somalia iyo Imaaraadka ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka dhex aloosnaa khilaaf diblomaasiyadeed oo ka dhashay Saldhiga Imaaraadka ka dhisanayaan magaalada Berbera.

Dhinaca kale, waxaan la ogeyn natiijada kasoo bixi karta kulanka dhexmari doona Madaxweynaha Somalia iyo dowlada Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News